Somaliland iyo Faransiiska oo ka hawada hadlay xoojinta xidhiidhkooda

Axad, December 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dowladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Romain JOLY, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Weftigan ka socday Faransiiska ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay weftiga booqashadooda, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka ay la leedahay Faransiiska, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska, dhaqanka iyo is-weydaarsiga aqoonta.

Weftiga Faransiiska waxa ka mid ahaa Dr. Xavier Gutherz, oo ah khabiir caalami ah oo door muuqda ka qaatay in bulshada caalamka lagu baraarujiyo muhiimadda taariikheed ee Aasaarta Qadiimiga ah ee Laas Geel ee ku yaalla Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa si buuxda u taageeray mashruuc ay maalgelinayso Dawladda Faransiiska ee lagu magcaabo “Ilaalinta iyo Horumarinta Dhaxalka Dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga ah ee Somaliland”, isaga oo Dr. Xavier Gutherz guddoonsiiyey Shahaado Sharaf, kuna bogaadiyey isaga iyo kooxdiisa dedaalka weyn ee ay ku bixiyeen ilaalinta, badbaadinta iyo kor u qaadista dhaxalka taariikheed ee Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa weftiga Faransiiska u faahfaahiyey fursadaha ballaadhan ee ka jira Somaliland, isaga oo xusay jawiga nabdoon, xasilloonida siyaasadeed iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday, kuwaas oo uu sheegay innay saldhig u noqon doonaan iskaashi dhinacyo badan leh oo midho-dhal ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay diyaar u tahay balaadhinta iskaashiga ay la leedahay Faransiiska, isla markaana ay danaynayso xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga, horumarinta waxbarashada iyo kobcinta xidhiidhada dhaqan.

Dhankiisa, Safiir-ku-xigeenka Dawladda Faransiiska u fadhiya Kenya, Romain JOLY, ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay soo-dhaweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo sheegay in Faransiisku danaynayo xoojinta xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, isla markaana uu qiimeynayo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

"Kulankan diblomaasiyadeed ayaa ku soo gebogeboobay is-faham iyo rabitaan wadajir ah oo ku aaddan sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaadho dano wadaag ah iyo iskaashi waara oo u adeega horumarka labada dal" ayaa lagu yidhi qoraal kasoonbaxay Madaxtooyada.