
Axad, December 14, 2025 (HOL) - Kadib wareysigii toddobaadkii hore uu bixiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku sheegay in Muqdisho aysan ammaan ahayn waqtigan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa si cad uga jawaabay, isaga oo xusay in caasimadda ay ka soo kabatay xaaladihii amni ee hore.
Duq Muungaab ayaa sheegay in Muqdisho ay hadda nabad ku jirto, isagoo bogaadiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay sugidda nabadda iyo horumarka magaalada.
Wuxuu sidoo kale ka digay dadka isku dayaya in ay siyaasad ka dhex raadiyaan dhibaatooyinka amni ee hore, isagoo sheegay in ficillada noocaas ah aysan dan u ahayn shacabka Muqdisho oo doonaya in ay codkooda siiyaan wakiilada siyaasadda, waxaana hadalkaan uu sheegay mar uu maanta qaatay kaarka codbixinta ee doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir.
“Xamar waa nabad, way ka gudubtay nabadgalyo-daro, dhabbaha keliya ee furan waa doorasho qof iyo cod ah sida uu inoo sheegay hoggaamiyaheenna Dal-xoreeye, Xamar Fooriye way ka gudubtay, madax-jebin way ka gudubtay, alxamdulillaahi qarax ay ku dhintaan kun qof way ka gudubtay,Waa in aan ilaalinaa, cid kasta oo siyaasadda rabta horumarkaan jira waa in ay ka dhex raadisaa,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Warbixintan ayaa tilmaamaysa kala duwanaanshaha aragtida ee ku saabsan amniga Muqdisho, iyadoo madaxweynihii hore uu muujiyay walaac ku saabsan nabadgelyada, halka Duqa Muqdisho uu xaqiijinayo in xaaladdu hadda tahay mid deggan oo u furan in shacabka ay ka qeyb qaataan doorashooyinka soo socda.