
Axad, December 14, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay shaaciyay go’aan ka soo baxay Xukuumadda oo cafis loogu fidinayo arday Soomaaliyeed oo seegtay ka qaybgalka imtixaanka qaranka ee fasalka 12aad sanad dugsiyeedkii 2015/2016.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ardaydan, oo tiradoodu gaareyso 28,000 arday, ay imtixaanka uga baaqdeen duruufo adag oo jiray xilligaas, kuwaas oo loo aqoonsaday kuwo macquul ah oo aan ka imaan ardayda.
Go’aankan ayaa yimid kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taas oo caddeysay in ay hayso dhammaan diiwaannada waxbarasho ee ardaydaasi, islamarkaana ay awood u leedahay in ay soo saarto shahaadooyinka rasmiga ah ee fasalka 12aad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda faray in ay si degdeg ah u fuliso go’aankan, si ardaydaasi ay u helaan xuquuqdooda waxbarasho, una sii wataan tacliinta sare ama fursadaha shaqo ee ay mudan yihiin.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Xukuumadda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarashada dalka, islamarkaana ay ka go’an tahay in aan la dayicin mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.