Madaxweynaha Jubbaland oo maanta kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday beesha Caalamka

Axad, December 14, 2025 (HOL) - Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi sare oo ka socday beesha Caalamka oo ay hoggaaminayeen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulan uu ahaa mid labada dhinac ay uga wada hadleen xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn warbixin siiyay wafdigaan sare ee ka socda Qaramada Midoobay, isagoona si gaar ah ugala hadlay shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo oo ay yeelan doonaan Mucaaradka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Jubbaland.

Kulanka maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga sare ee ka socday beesha Caalamka ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay xubnaha Mucaaradka ay wadeen abaabulka shirwayne ay ku qabsanayaan magaalada Kismaayo, kaasoo ay uga hadlayan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka la xariira  doorashada.