Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “Doorashooyinka Dadban Waa Nooc Addoonsi”

Axad, December 14, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Axmed Maalim Fiqi, ayaa si cad u dhaleeceeyay doorashooyinka dadban, isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin nooc “addoonsi” isla markaana ku saleysan ceeb iyo hoos u dhigid sharaf.

Hadalkiisu wuxuu muujinayaa mowqif adag oo ka mid ah doodaha sii socda ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ay ka warqabaan dhibaatooyinka ku jira doorashooyinkan, inkastoo uusan shaacin magacyadooda.

Waxa uu adkeeyay in ajandaha dadka ku lugta leh ay ku saleysan tahay danaha shaqsiyadeed ee aan dan u ahayn shacabka.

“Haddii addoonsi uu jiro qarnigan 21-aad, waxaa lagu arkaa cadaalad-darrada doorashooyinka dadban, Waxaad ku dhowdahay in aad naftaada u hoos dhigto ama aad noqoto addoon,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Maalim Fiqi.

Intaas waxaa dheer, Wasiirku wuxuu ka jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee adeegsaday hadalka ah “Muqdisho nabad ma ahan,” isagoo ku tilmaamay hadalkaasi mid nasiib darro ah.

Waxa uu sheegay in aragtida noocaas ahi ay iska indhatireyso horumarka amni ee laga sameeyay caasimadda.