4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Qorshaha arimaha bani’aadamnimada Somaliya ee 2020 oo maanta Muqdisho lagu daah furay
  

Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)- Dowladda Federalka Somaaliya, Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Bani’aadamnimada ayaa maanta daah furahay qorshaha arimaha bani’aadamnimada ee Somaliya ee 2020. Qorshahan ayaa ubahan 1.03 bilyan oo doolar, si loo caawiyo loona tageero noolal maalmeedka 3 milyan oo qof.

“Dowladda federalka ee Somaaliya ayaa waxaa si buuxda ugu go,an iney  la shaqeeyso hay’adaha samafalka     ee ka shaqeeya dalka si loo hirgeliyo qorshaha ka jawaabita xaaladaha bina’aadamnimada,” sidaasi waxaa yir Xamza Siciid Xamza, wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. “Qorshaha gurmadka ayaa dhameystiraya dadaallada socda ee dowladda fedaraalka ee wax looga qabanaayo dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee dalka.

Dadka u baahan gargaarka waxaa kamid ah 1.7 milyan oo qof oo ka barakacay colaad, nabadgelyo xumo, guuritaan Khasab ah, abaaro iyo daadad. Sida laga soo xiganaayo qorsha HRP-ga, in kabadan kalabar tirada dadka soomaalida waxay ku nool yihiin faqri. Waxaa kamid ah beeraley iyo xoola dhaqatada saboolka ah iyo   cunta yare heysato kuwa barakacay. Heerka nafaqo xumida ee caruurta ayaa ah mid aad u sareeyo, iyadoo meelaha qaar ay ka jiraan heerar nafaqo xumo oo caalami ah in ka badan 20 boqolkiiba (kana sareeysa heerka deg degga ee WHO  ee 15 boqolkiiba).  Dadka naafada ah oo lagu qiyaaso boqolkiiba 15 dadweynaha ayaa     halis ugu jira rabshado iyo xadgudub.

“Marka aan hirgalinayno  qorshaha  arimaha  bani’aadamnimada, Qaramad Midoobe iyo iskaashatada  kale ayaa ka shaqeyneyso sidii loo xaqiijin lahaa in gargaar deg deg ah iyo tageero horumarineed ay isbarbar socdaan kuwaas oo kabo qorshaha hormarinned e dowladda si loo gaaro soo kabasho mudo fog ku  beegan”  sidaasi waxaa yiri Adam Abdulmoula,Isu duwaha hawlaha Bani’aadamnimada ee Somaliya. “taasi ayaa aha  in  la  kordhiyo howlaha samafalka iyo horumarka wada socda mudo dheer si wax looga qabto xaladaha bani’aadamnimadan ee ka jiro Soomaaliya”

Qorshaha arimaha bani’aadamnimada wuxuu diiradda saaryaa afar ujeedo oo asaasi  ah:  yareynta  baahsanaanta nafaqa xumada ba’an iyo baahiyaha iyo caafimaadka, baahiya asaasiga  ey wajahaan  dad  ku  nool 74 degmo, xoojinta iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, islamarkan ilaalinta sharafta, sidoo kale kor  u  qaadidda aqoonta dadka barakacayaasha.

Qorshahan ayaa ujeedkiisa yahay bixinta gargaar cunna ah bil kasta oo la siinaayo ilaa 2.1 milyan oo qof , in la taageero   helitaanka waxbarasho   oo loogu tala galay in kabadan 300,000 oo caruur ah, in gargaar caafimaad    la siiyo 2.5 milyan qof, in biyo nadiifa la siiyo in kabadan 1.2 milyan oo qof iyo in la yareeyo khatarta la xiriirta     isku dhacyada ooy ka mid yihiin kuwo ku saleysan jinsiga.

Sannadkan, wadarta guud ee  baahida loo baahan  yahay deeq-lacageedka Qqorshahan ayaa hoos u  dhacday  11 boqolkiiba (ama US $ 120 milyan) taas oo horay u eheed $ 1.12 bilyan sanadka 2019 illaa $ 1.03 bilyan. In  kasta oo tirada dadka baahan ay kortay 19 boqolkiiba (ama 1  milyan oo qof) laga soo bilaabo 4.2  milyan 2109   ilaa 5.2 milyan   qof. Tirada guud ee la beegsaday ayaa hoos u dhacday 12 boqolkiiba (ama 400,000 oo qof),    taas oo sanadkii hore gaareseysay ilaa 3.4 milyan kuna soo dhacday 3 milyan oo qof (58 boqolkiiba 5.2  milyan   qof oo u baahan gargaarka bini'aadannimo).

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]