4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Ciidamada dowladda oo isku fidinaya deegaannada Al-shabaab ay ka maamulaan Gobolka Jubbada Hoose

 

Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo gaar ahaan Guutada Danab ayaa dhaqdhaaqyo ciidan oo xoog leh waxaa ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa ay gaareen deegaanno dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen xoogagga Ururka Al-shabaab oo la sheegay in ay isaga baxeen kaddib markii ay ka war heleen howlgalka ciidamada dowladda

Dhawaan ayeey aheyd markii dulleedka degmada Jamamaane uu dagaal xoogan ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, iyadoo saraakiisha Dowladda sheegeen in ay howlgalkaas ku dileen horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab oo dhowr jeer oo hore weerarro isugu jiray Qaraxyo iyo kuwa toos ah ku qaaday saldhigyo ay degenaayeen ciiamada dowladda iyo kuwa Jubbaland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]