4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in xadhiga Jabuuti ee Internetka la keeni Karin Berbera

 

Arbaco, Janaayo ,22,2020  (HOL)–Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin xadhig Internet oo Jabuuti leedahay oo la keenayo Berbera, taas oo dhowaan la sheegay in cable Enternet la keenayo Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Mambaasa.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa xusay in aanu wax rusqad ah ama ogolaansho ah aanay ka haysan wasaaradda, cida kaliya ee cable Enternet keeni karta ay tahay shirkadda SOMCABLE oo xiligii madaxweyne Siilaanyo kooto loogu xidhay shirkadaasi.

“ Xadhigaasi Jabuuti ee Internetka kama soo degayo dekadda Berbera wax rusqad ah oo aynu siinayna ma jirto, wax ogolaansho ah kama helin Somaliland, Soomaaliya iyo Somaliland way kala duwan yihiin cida kaliya ee rusqad siin karta waa wasaaraddan wax ka baxayna ma jirto oo rusqad ah”ayuu yidhi wasiir Suufi.

Dhawaan ayayey ahayd markii dawladda Jabuuti xadhiga ka jartay xadhig Internet oo weyn, taas oo bariga Afrika la gaadhsiin doonno, iyadoo la keeni doono dekadaha Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Mambaasa sida madaxda Jabuuti xuseen, haseyeeshee, xukuumada Somaliland waxay xustay in aan badeeda xadhigaasi la keeni Karin wax rusqad ahna la siin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.