4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Musharixiin sheegtay in aysan ka qeybgali doonin doorashada madaxweynaha Galmudug

 

Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)-Iyadoo Dood badan khilaaf uu ka taagan yahay habka loo marayo Doorashada madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

Khilaafka ugu xooggan ayaa u muuqda in uu ka dhax taagan yahay Guddigii loo saaray Doorashada madaxweynaha oo garab ka mid ah ku eedeeyeen dowladda in ay fara-galin buuxda ku heyso Guddiga iyo habka ay u maamulayaan doorashada intaba.

Sidoo kale waxaa iyagana dhankooda doorashada ku gacan seyray maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo Qoraal ay soo saareen ku sheegay in dowladdu si aan wanaagsaney u maamusho soo xulista xildhibaannada.

Hadaba Qoraal ka soo baxay ilaa Afar Musharax ayaa sheegay in aysan ka qeybgali doonin doorashada madaxweynaha ee diyaar-garoowgeedu socdo :


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]