Hiiraan Online
4/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday in haween Soomaali ah oo ku biiray Daacish loosoo tarxiiliyo Soomaaliya
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)- Raadiyaha Dowladda Sweden ayaa shaaciyay in haween ka tirsanaa ururka Daacish oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya loosoo tarxiilidoono Soomaaliya.
Haweenkaan oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa su’aalo lagu weydiiyay xero milatari oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Siiriya (SDF).
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in haweeenkaan dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Siciid Faqi ayaa sheegay in haweenkan aysan maxkamad ku taagi doonin Soomaaliya madaama aysan dambi ku laheyn halkaas.
Sida laga soo xigtay saraakiisha kurdiyiinta, waxaa jira qiyaastii 30-40 muwaadiniin iswiidhish ah oo asal ahaan Soomaali ah kuna sugan xerada la yiraahd Hol Camp ee kutaala Siiriya.
Ambassadador Faqi, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qaatay go'aanka ka dib markii waddamada reer Yurub ay diideen inay aqbalaan haweenka ISIS ee asal ahaan ah Soomaali.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]