3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2020
Maxaa ka jira in Al-Shabaab 18 xildhibaan ugu jiraan baarlamaanka cusub ee Galmudug?
 

Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)- 18 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka cusub ee Galmudug  ayaa lagu sheegay inay daacad u yihiin kooxda Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska Hor Observer.

Sida uu wargeysku kasoo xigtay ilo xog-ogaal ah, kooxda Al-shabaab ah aya si adag waxay ugu ololeeyeen in xildhibaannadaan lagusoo daro baarlamaanka Galmudug.

"Haddii aan xitaa ogaan lahayn, ma joojin karno. Dowladda Federaalka waxba kama qaban karto xilligan xasaasiga ah ee doorashada," ayuu yidhi odey dhaqameed magaciisa qariyay oo u waramay  Hor Observer.

Ujeedadda Al-shabaab ku doonayso inay saameyn ugu yeelato barlamaanka Galmudug, ayaa ah, iyagoo raba in ay helaan hoggaamiye daacad u ah awaamiirtooda. ”

Warbixintu waxay sheegaysaa in odayaasha qabaa'ilka la ogeysiiyay in qof Alshabab ka socda ay fadhiisiyaan kursiga barlamaanka ayna iska iloobaan tartamayaasha kale.

"Qofna ma diidi karo tilmaamaha al-Shabaab. Al-Shabaab meel walba waa joogtaa. Haddii aad addeecin weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa," ayuu odaygu u sheegay Horn Observer.

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa u sheegay wariye ka tirsan wargayska Horn Observer in uu ogyahay in ururka Ahlsunna Waljameeca ay ka cawdeen 18 xubnood oo al-Shabaab ah oo soo galay baarlamaanka Galmudug. laakiin wuxuu sheegay in tani qof kasta uu iska dhaga tiray.

Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay sidoo kale si adag uga shaqeynayaan taageerida qaar ka mid ah tartamayaasha madaxweynaha.

Xildhibaanka ayaa u sheegay wargeyskaa in ay iska caddahay in al-Shabaab ay saameyn ku leeyihiin baarlamaanka cusub ayna  leeyihiin ra'yi ku saabsan doorashada.

Warbixintaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalin kahor hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay soo bandhigtay fanaan katirsanaa bahda fanka gobolka Banaadir islamarkaana u shaqeynayay kooxda Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/22/2020 3:34 PM EST
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)- Dowladda Federalka Somaaliya, Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Bani’aadamnimada ayaa maanta daah furahay qorshaha arimaha bani’aadamnimada ee Somaliya ee 2020. Qorshahan ayaa ubahan 1.03 bilyan oo doolar, si loo caawiyo loona tageero noolal maalmeedka 3 milyan oo qof.

1/22/2020 2:27 PM EST
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladda ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta ciidamada xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

1/22/2020 12:31 PM EST
Arbaco, Janaayo ,22, 2020 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.

1/22/2020 12:26 PM EST
Arbaco, Janaayo ,22,2020 (HOL)–Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin xadhig Internet oo Jabuuti leedahay oo la keenayo Berbera, taas oo dhowaan la sheegay in cable Enternet la keenayo Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Mambaasa.

1/22/2020 6:57 AM EST
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)- Raadiyaha Dowladda Sweden ayaa shaaciyay in haween ka tirsanaa ururka Daacish oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya loosoo tarxiilidoono Soomaaliya.

1/22/2020 6:14 AM EST
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)-Iyadoo Dood badan khilaaf uu ka taagan yahay habka loo marayo Doorashada madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

1/22/2020 2:57 AM EST
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo gaar ahaan Guutada Danab ayaa dhaqdhaaqyo ciidan oo xoog leh waxaa ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

1/22/2020 2:02 AM EST
Arbaco, Janaayo, 22, 2020 (HOL) - Hiiraan Online ayaa heshay nuqulka warqaddii shaqada looga ruqseeyay 88 kamid ah askarta ciiddanka bilayska Puntland, kadib markii aanu shalay baahinay warbixintaan.