Arbaco, Janaayo ,22, 2020 (HOL )–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.
Sida war-saxaafadeed ka soo baxay
xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta
xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka
hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) oo ay dawladda Denmark qayb ka
tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee
2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Ugu danbayntiina waxa kulankaa
lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa
loogana wada soconlahaa.
Waxaana Madaxweynaha kulanka ku
wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Maxamed
Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid
Sulub Maxamed.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.