
Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL) Waraka ka immaanayo magaalada Jowhar ee xaruunta dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa sheegay in Bomb lagu qarxiyey gudaha Hotelka halkaas oo ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan Hirshabeele.
Dhawaac fudud ayaa ka soo gaaray qaar ka mid dadkii ku sugnaa hotelka, nasiib wanaag wax geeri ah halkaas kama dhicin.
Qaraxaan ayaa wuxuu dhacay abaarihii saacadu markay ahayd 9:00PM feednimo, waxaana barxadda hotelka markaas fadhiyey xildhbaano iyo masuuliyiin kale oo halkaas ku fiidsanaayey.
Dadkii qaraxaas ka dambeeyey ayaa wararku sheegayaan in ay halkaas ka baxsadeen
Hotel Safa ayaa wax uu ku yaalaa galbeedka magaalada Jowhar, waxaana maamule ka ah Muxudiin Cabduule Ciyow.
Wixii akhbaar ah oo ku soo kordha kala soco Hiiraan Online (HOL)