Maamulka Koonfur Galbeed oo soo saaray ammaro looga hortagayo faafidda Xanuunka COVID-19

 

Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL)- Kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo Guddiga kahortagga Xanuunka  COVID-19 ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo dhowr ah, kuwaasoo dhammaan Ujeedkoodu yahay sidii loo xakameyn lahaa faafidda Coronavirus.

newsinsideQodobadaan ayaa waxaa kamid ah in guudahaan Waddooyinka kala duwan ee kabaxa Magaalada Baydhabo la dhigo shaqaale Caafimaad oo si dhow ula socda caafimaadka dadka  soo galaya Magaalooyinka, waxaa sidoo kale la sheegay in Koonfur Galbeed ay gabi ahaanba joojisay dadkii uga imaanayay  Waqooyi  bari  Kenya, gaar ahaan  Magaalada Mandheera oo  dhowaan laga helay laba Kiis oo aha Xanuunka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta in Maamulkaasi uu hadda kujiro heegan buuxo, juhdi iyo dadaal dheeraadahna ay ku bixinayaan Masuuliyiinta sidii looga hortagi lahaa Xanuunkaasi Caalamka ku haya dhibaatada Xooggan.

Dhinaca Kale Laammaha Ammaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo-saaray war ku aaddan Khaad kasoo gala Deegannada kala duwanee Maamulkaasi, waxaana guud ahaan la amray Ciidamada Booliska iney qabtaan Cid walba oo jabisa ammarkii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee ahaa in la joojiyay guudahaan Jaadka Soomaaliya uga yimaada  Waddamada Kenya iyo Itoobiya.

Masuuliyiinta Ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Cid walba oo kahortimaada Ammarka Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Khaadka ku joojisay u taxaabidoonaan Jeelka ,islamarkaana la horgeyn doono Sharciga.

CabdicasiisAxmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho.