Madaxweyne Farmaajo oo caafimaad degdeg ah u rajeeyay raysal wasaaraha UK, Boris Johnson

 

Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay raysal Wasaaraha UK, Boris Johnson oo la xanuunsanaya cudurka safmarka ah ee Coronavirius.

newsinsideBoris Johnson, ayaa lagu dabiibayaa isbitaal kuyaala London, isagoo ku jira qeyta daryeelka degdega ah, inkastoo wararku sheegayaan in xaaladdiisa ay kasoo raysanayo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay dawladda Soomaaliya iyo dadkeeduba  ay garab taagan yihiin raiisul wasaaraha iyo dadka Ingiriiska waqtigaan adag ee lagu jiro.

“Waxaan ku ducaysanaynaa in aan u helno xal caqabadaha Coronavirus ku keenay dunida,” ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online