Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL)- Raiisul wasaaraha boqortooyada Midowday ee UK, Boris Johnson ayaa laga saaray qeybta daryeelka degdegga ah, in kasta oo uu wali kujiro isbitaal kadib astaamaha cudurka coronavirus oo si joogto ah ugasoo muuqday.
newsinsideAfhayeen u hadlay Downing Street ayaa sheegay in Johnson uu caawa ka soo dhaqaaqay daryeelka degdega oo uu ku laabtay qaybta bukaanada xaaladdooda degen tahay, halkaas oo uu ku heli doono kormeer dhow inta lagu guda jiro wajiga hore ee soo kabashadiisa.
“Ma uusan u baahnayn hawo farsamo mana uusan qabin cudurka oof wareenka, ayuu yiri Xoghayaha Arimaha Dibada Dominic Raab, oo ahaa qofkii xafiiska kala wareegi lahaa haddii xaaladdiisu wacnaan weydo.
Rishi Sunak, oo ah wasiirka maaliyadda ee Boqortooyada UK, ayaa ku sheegay shir jaraa'id in Boris Johnson uu ku fadhiyo sariirtiisa uuna si wanaagsan ula shaqeynayo kooxda caafimaadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online