
Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL) - Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu soo warramayaa in lagu Karaantiilay Magaalada Muqdisho, kadib Markii looga shakiyay Xanuunka COVID-19, Sida ay HOL u Xaqiijiyeen Xubno kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaasi.
newsinsideXildhibaankan oo ay Saaxiibbo dhow yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa diyaarad looga soo qaaday Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabeelle, kadib markii la sheegay in uu aad halkaasi ugu Xanuunsaday.
Xildhibaannada HOL la hadlay ayaa waxey sheegeen in lagu sameeyay baaritaan, balse illaa iyo hadda aan la helin wax Jawaab ah oo muujinaya in Xildhibaanka Xanuunsan uu qabo Xanuunka Coronavirus iyo in kale, mana jiraan sidoo kale war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Mudane Muumin Tuurre Cabdullaahi oo la hadlay HOL ayaa waxa uu sheegay in xaaladda Xildhibaan Khaliif Muumin hadda ay tahay mid wanaagsan marka loo barbar dhigo maalmihii lasoo dhaafay, isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu yiri:-
" Xildhibaanka hadda xaaladdiisu wey wanaagsantahay, mana u jiraan sida hadda wax loo sheegayo ee ah inuu qabo Coronavirus, waxa uu ku jiraa Cisbitaalka Martiini, waana laga furay Oxygen-tii ku xirneyd, waxaa laga qaaday dhiig waxaana loo diray dalka dibaddiisa, welina ma jiraan jawaab rasmi ah oo kasoo baxday" .
Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa muddo laba maalin ah hadda xaaladdiisa lagu dabiibayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo ku dhowaad toban maalin ku xanuunsanaa Magaalada Jowhar, sida ay xaqiijiyeen ilo Maamulka Hirshabeelle ka tirsan.