Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL)- Dalka Afgaanistaan, kooxda Taliban ayaa ballan qaaday inay marin aamin ah heli doonaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee ka talaabaya dhulka ay maamusho, halka xubnaha kooxda ay bilaabeen olole caafimaad oo ay ku wargalinayaan muwaadiniinta reer Afgaanistaan khatarta uu leeyahay fayraska, iyagoo bixinaya macluumaad ku saabsan sida ay uga nabad galaan faafitaankooda.
newsinsideIlaa horraantii Abriil, Afgaanistaan ayaa laga soo sheegay 367 kiis oo ah cudurka coronavirus', in kasta oo, marka la eego kaabayaasha caafimaad ee waddanka aan ku filnayn, tiradan ayaa u muuqata mid aad u hooseysa.
Taliban waxay xitaa ku yabooheen inay xabbad-joojin ka hirgeliyaan qaybo ka mid ah Afgaanistaan ayna aad uga xunyihiin dillaaca cudurkaan.
Gudaha dalka Lubnaan, kooxda xagjirka ah ee shiicada ah ee Hezbollah waxay soo bandhigtay diyaarado badan oo ambalaas ah waxayna u direen xubno ka tirsan Ururka Caafimaadka Islaamiga ah si ay ugu buufiyaan jeermis dileyaasha goobaha dadweynaha.
Dalka Lubnaan ayaa soo sheegay 541 kiis oo ah cudurka 'coronavirus', dowladda ayaa la halgameysa wax ka qabashada faafitaanka masiibada. Waxaa dalkaas curyaamiyay musuqmaasuq iyo dhaqaale xumida.
Dawladda Lubnaan, oo ay ku jirto Hezbollah, waxay u baahan doontaa dhammaan caawimaadda ay ka heli karto si looga jawaabo dhibaatada. Hezbollah waxay u soo bandhigtay kheyraadkeeda la xiriira caafimaadka.
Dalka Siiriya ee dagaalka uu ka socdo, kooxda xagjirka ah ee Hayat Tahrir al-Sham waxay caawisay Hay'adda Caafimaadka Adduunka, iyagoo talo ka bixinaya sida Siiriya uga ilaalin karaan naftooda iyo qoysaskooda.
Tirada kiisaska la soo sheegay ee coronavirus ee Suuriya ayaa hadda ka yar laba iyo toban.

Mana aha oo keliya argagixisada iyo kooxaha muqaawamada ah ee ka faaiideysanaya inay muujiyaan dadaal loogu tala galay la dagaalanka Coronavirus. Favelas of Rio de Janeiro, oo ah urur ka ganacsada daroogada iyo kooxaha gaangiska dambiilayaasha ah ayaa si iskood ah uga shaqeeyey sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen bandoowga meelaha ay ku xoogan yihiin oo ay dowladda awoodeeda ku yar tahay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online