
Khamiis, Abril, 09, 2020 (HOL)- Caronavirus ayaa qal-qal badan ka abuuray caalamka waxaana dowlad walba aay xeratay xaduudaha dhulka,cirka iyo bada, waxaana laxayiray iskusocodkii dadka caalamka iyo ganacsigii kala duwanaa oo dalalku aay is dhaafsan jireen, waxaana keenay xayiraadahaas xanuunka safmareenka ah ee COVID19.
newsinsideSoomaaliya oo kamid ah dalalka laga helay xanuunka Covid-19 ayaa ku dhawaaqday inaan dalka lasoo gali karin islamarkaana aanan laga bixi karin, sidoo kale waxaa laxayiray iskusocodkii gudaha dalka ee dhanka diyaaradaha si loo yareeyo qatarta faafitaanka xanuunka Caronavirus.
Ayadoo aay taasi jirto ayaa waxaa si caadi u furan xaduudaha dhinaca dhulka ah ee Soomaaliya aay lawadaagto dalalka Kenya iyo Ethiopia. Waxaana shaqeeya iskusocodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha Soomaaliya iyo dalalka dariska la’ah.
Xaduudaha sida caadiga ah u furan waxaa kamid ah xaduuda gobolka Hiiraan ee Soomaaliya uu lawadaago dhanka Ethiopia, waxaana si maalinla ah uga yimaada jaadka oo ganacsigiisa loo jiheeyay dhanka Ethiopia maadaama markii hore uu ka imaan jiray dhanka Kenya.
Sidoo kale warar aaynu ka helnay xaduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in si caadi ah aay usocdaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana magaalooyinka kudhaw xaduudka lageeyaa qaadka ka yimaada Kenya.
Dadka kunool magaalada Beledweyne ayaa walaac badan ka muujiyay jaadka maalin walba ka yimaada dhanka Ethiopia, waxaana aay sheegeen in halista Carona aay uga imaan karto Ethiopia oo kiisas badan laga helay, waxaay baaq u direen dowlada Soomaaliya inay ka xayirto isku socodka dhanka Ethiopia.
Abdikarin Abdi oo kamid ah aqoonyahanada Beledweyne ayaa yir, “Waa arin halis badan in ganacsi maalin la’ah uu nooga yimaado dal uu ka dilaacay cudurka Caronavirus, waxaa keenaya maamul la’aanta iyo ganacsatada jaadka oo awood badan ku leh magaalada islamarkaana aanan laga joojin karin ganacsigan halista badan, waxaan dowlada ka codsaneeynaa inaay naga joojiso qaadka oo xambaarsan faariska laga baqaayo”
Maamulka gobolka Hiiraan waxaa weli kajira qilaaf ka dhashay xil kaqaadis dhawaan lagu sameeyay gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, balse laamaha amniga oo aan wax ka weeydiinay cabashada dad weeynaha ayaa ka gaabsaday inaay ka hadlaan.
Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay xiranyihiin xaduudaheeda ayaa sida muuqata aanan awood badan u lahaayn inaay xiraan xaduudaha dhinaca dhulka ah ee aay lawadaagto dalalka dariska la’ah. Hasa-ahaee dadka kunool deegaanada ku u dhadhaw xaduuda Ethiopia iyo Kenya ayaa waxaa kasoo baxaya walaac badan oo aay ka qabaan isku socodkaasi.