3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Dagaal saakay ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caare deegaanka Dhoobo ee gobolka Sanaag

 

Arbaco, July, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxda Col. Caarre ee saldhigoodu ahaa Qardho oo gudaha usoo gallay gobolka Sanaag, taas oo dagaalkoodu ka socdo deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Kooxdan Colonial Caare ayay wararku sheegayaan inay doonayeen inay galaan Buurta Daalo oo halkaasi ay ka samaystaan saldhigyo iyo dhufayso.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Mudaharaaad ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay saakay dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada kooxda Caare, kuwaas oo dad taageersan Col Caaro rabshado ka sameeyeen magaaladda  .

Dadweynahan mudaharaadaya ayaa taageersan jabhadda Caare, waxaanay arrintani ku lug leedahay dagaalo beeloodyo saddex cisho ka hor ka dhacay Ceel afweyn.

Dagaalka labadda beelood ee ku koobnaa Deegaanka Ceel afweyn, ayaaa laga baqayaa inuu Ceerigaabo ku sii fido, inkastoo ciidamo xoogan oo labadda beelood kala dhex galla la geeyey gobolka Sanaag.

Labadan beelood ee walaalaha ah ayaa dirirtoodu socotay muddo ka badan afar sanno, taas oo guddiyo badan oo xalintoodda gallay u maareen kari waayeey ka dib mar kasta oo la soo gabogabeeyo uu mar kale dirirto ka bilaabanto deegaanno kale.

Ilaa hadda wax khasaare ah lama soo sheegin, wallow dadka qaar dhaawacyo sheegayaan.

Hiiraan Online News Disk  

 

 













Click here
7/10/2019 4:31 PM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre inuu ogaal la'aan ku booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland.

7/10/2019 2:39 PM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.

7/10/2019 11:48 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) Hawlgal lagu samaynayo dhul degaanka magaalada Laascaanood ayaa si wadajir ay uga wadaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawlada Hoose kaas oo lagu samaynayo dhulkii noqonlahaa degaanka ay ku fidayso magaaladu Master Plan,

7/10/2019 11:01 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiyay dalka Marekanka, Kim Darroch ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka tagayo.

7/10/2019 10:31 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya dalka Ruushka isagoo ka qeybgalaya shirweyne dalkaas ka dhacaya.

7/10/2019 10:15 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.

7/10/2019 10:11 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hadda xafiiska baneenaya iyo masuuliyiin kale.

7/10/2019 10:04 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Hay'addaha ammaanka ayaa howlgallo ay fuliyeen toddobaadyadii u dambeysay waxaa ay ku soo qabteen dukumiintiyo been abuur ah iyo qalab si rasmi ah maanta loo soo bandhigay.

7/10/2019 9:49 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanaadkii dugsiga sare.

7/10/2019 9:39 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)-Mudaharaadkan oo la sheegayo inuu ahaa kii ugu balaadhnaa ee mudooyinka la xusuusan yahay ka dhaca magaalada Ceerigaabo ayaan si cad loo ogayn khasaaraha ka dhashay, iyadoo ciidamada kala duwan ay adeegsanayeen hubka culus iyo ka fuduba.

7/10/2019 9:21 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

7/10/2019 8:40 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay Hoyga Nabadadda magaalada Gaalkacyo.

7/10/2019 3:00 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Arbacada maanta ah la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland saacaddu marka ay tahay 11:00 am -barqanimo.

7/10/2019 2:25 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Is-waydiin la xiriirta ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre inuu booqanayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xooggeysatay tan iyo markii uu gaaray koonfurta magaalada ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

7/10/2019 2:12 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Booliska Ingiriiska ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baarayaan sida ay u geeriyootay gabar yar oo Soomaali ah oo sannad ka hor tagtay dalkaas,waxaana khamiistii toddobaadkii hore meydkeeda laga helay wabi ku yaalla degmada Bury ee magaalada Manchester.

7/10/2019 1:54 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Bandhig heesaha ah oo lagu waday toddobaadka soo socdka inuu ka dhaco dalka Sacuudiga ayaa la baajiyay, markii ay sida go'aansatay Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah.

7/10/2019 1:41 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqashadii ugu dheereyd ku jooga gobollada bartamaha ku yaalla ayaa kullamo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

7/10/2019 1:39 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

7/10/2019 12:43 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Saddex rag ah oo loo heysto inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magalada Muqdisho Sanadkii 2017.