
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya dalka Ruushka isagoo ka qeybgalaya shirweyne dalkaas ka dhacaya.
newsinsideMadaxweynaha ayaa maanta ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ruushka u fadhin doona Soomaaliya martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin.
Marti-qaadka ayaa la xiriira ka qeybgalka shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.
Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale ballanqaaday inay dib usoo celin doonto xiriirkii adkaa ee labada dal, iyadoo safiirka cusub oo sheegay arrintaa inuu ka shaqeyn doono uu u gudbiyay madaxweynaha inuu Ruushka diyaar u yahay sidii uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa tababarada shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha ammaanka.
[email protected]