4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah fulisay

 

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Saddex rag ah oo loo heysto inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magalada Muqdisho Sanadkii 2017.

Weerarkaas ayaa Hotelka Naasa-Hablood 2 waxaa lagu qaaday 28kii Bishii October  ee sanadkii 2017,waxaana Ragga saakay dilka toogashada lagu fuliyay lagu kala magacaabaa.

Ragga dilka lagu fuliyay saakay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi Naasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji oo dhamaantood la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab.

Maxkamada ciidamada ayaa dilalka ugu badan ku fulisa xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo Askarta ciidamada dowladda ee lagu helo faldanbiyeedyada isugu jira dilalka iyo weerarrada qorsheysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]