4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Dagaal saakay ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caare deegaanka Dhoobo ee gobolka Sanaag

 

Arbaco, July, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxda Col. Caarre ee saldhigoodu ahaa Qardho oo gudaha usoo gallay gobolka Sanaag, taas oo dagaalkoodu ka socdo deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Kooxdan Colonial Caare ayay wararku sheegayaan inay doonayeen inay galaan Buurta Daalo oo halkaasi ay ka samaystaan saldhigyo iyo dhufayso.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Mudaharaaad ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay saakay dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada kooxda Caare, kuwaas oo dad taageersan Col Caaro rabshado ka sameeyeen magaaladda  .

Dadweynahan mudaharaadaya ayaa taageersan jabhadda Caare, waxaanay arrintani ku lug leedahay dagaalo beeloodyo saddex cisho ka hor ka dhacay Ceel afweyn.

Dagaalka labadda beelood ee ku koobnaa Deegaanka Ceel afweyn, ayaaa laga baqayaa inuu Ceerigaabo ku sii fido, inkastoo ciidamo xoogan oo labadda beelood kala dhex galla la geeyey gobolka Sanaag.

Labadan beelood ee walaalaha ah ayaa dirirtoodu socotay muddo ka badan afar sanno, taas oo guddiyo badan oo xalintoodda gallay u maareen kari waayeey ka dib mar kasta oo la soo gabogabeeyo uu mar kale dirirto ka bilaabanto deegaanno kale.

Ilaa hadda wax khasaare ah lama soo sheegin, wallow dadka qaar dhaawacyo sheegayaan.

Hiiraan Online News Disk