Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)-Mudaharaadkan oo la sheegayo inuu ahaa kii ugu balaadhnaa ee mudooyinka la xusuusan yahay ka dhaca magaalada Ceerigaabo ayaan si cad loo ogayn khasaaraha ka dhashay, iyadoo ciidamada kala duwan ay adeegsanayeen hubka culus iyo ka fuduba.
newsinside ''Anigu waxaan hubaa sadex qof oo la keenay isbitaalka weyn mana hubo
dhaawacoodu sida uu ahaa, waxaanse qiyaasayey in uu liitey sida loo
sidey, mida kale waa badan yihiin goobaha caafimaadka ee dadka la geyn
karaa" Sidaa waxaa HOL u sheegtay Xaliimo Xasan oo isbitaalka ceergaabo
waqtigaa qof bukaan ah ku haysey, waxaanay intaas ku dartay in weli
xiisadii taagan tahay la sheegayana qof dhintay.
Rabshadahan oo
aan ilaa hada la sheegin waxa ay ka dhasheen ayaa loo aanaynayaa
xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya beelo wada dega gobolka Sanaag oo
sanadihii u danbeeyey dhibaato colaadeed ka dhex taagnayd taas oo
labadii maalmood ee la soo dhaafay maraysey meeshii ugu qadhaadhayd.
Dadka
qaar ayaa qaba in rabshan ay la xidhiidho dagaal goor aan fogayn ka
bilaabmay halka lagu magcaabo Dhoob oo koonfur bari Ceerigaabo kaga
quman, halkaas oo ay isku haleeleen ciidamada Somaliland iyo taabacsan
sarkaal mucaarad ah oo lagu magcaabo Caare saldhigiisuna ahaa magaalada
Qardho ee Puntland.Si kataba ha ahaatee xiisada magaalada
Ceerigaabo ayaa ah mid aad uga cabsi badan kuwii ka dhici jirey
magaalooyinka kale maadaama ay haatan fududahay qaybo ka mid ah dadka
degaanka in ay u dareeraan gacansiinta jabhada Caare.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood





