4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Wasaaradda waxbarashada Puntland oo shaacisay natiijada imtixaanaadkii dugsiga sare

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanaadkii dugsiga sare.

Natiijada waxaa barbar socday ardayda kaalimaha ugu horreeya ilaa toban galay iyo iskuullada ugu wanagsanaa sannadkan.

Arday lagu magacaabo Khadar Saciid Saalax ,oo wax ka dhiganayay dugsiga sare ee Boosaaso Public Secondary ayaa noqday ardayga natiijada ugu sarreeysa ka keenay imtixaanka,sida ku cad warqada ay soo saartay wasaaradda Waxbarashada Puntland boqolkiiba 98% ayuu ku qaaaday kaalinta isagoo dhibco yar kaga guuleystay Asia Abdirisaaq Hersi oo wax ka barata degmada Galdogob oo noqotay qofka labaad.

Imtixaanaadkii dugsiga sare oo muddo toddobaad ah socday ayaa 18kii bishii May, waxaa magaalada Garoowe ka daahfuray madaxweynaha Puntland, Siciid Deni , iyada oo si isku mid gobollada oo dhan looga fadhiistay.

Wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa xaqiijisay si nabadgalyo oo aysan dhibaato dhicin inuu imtixaanka ku soo gabagaboobay, maalmihii uu socday.

Hoos ka akhri 10 arday ee ugu sarreysa;




Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]