Diyaarinta dhuldegaanka Laascaanood Master Plan ayaa laga bilaabay daafaha magaalada

 

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) Hawlgal lagu samaynayo dhul degaanka magaalada Laascaanood ayaa si wadajir ay uga wadaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawlada Hoose kaas oo lagu samaynayo dhulkii noqonlahaa degaanka ay ku fidayso magaaladu Master Plan,

newsinside Wasiirka Hawlaha Guud C/rashiid Ducaale Qanbi oo hashan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay tahay danta bulshda degaanka oo loo sii diyaarinayo Laascaanood cusub.
 
Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay tahay mid lagu faano, waxaanu xusay in hada halka Laascaanoodda la jecelyahay ay tahay ta la degan yahay ay tani noqon doonto mid ka qaalisan maadaama qaab habaysan loo sameeyey.
 
Dadka degaanadaasi dhulka ku lahaa oo intooda badan joogeen ayaa  marka la eego badankoodu ay la dhacsanaayeen samaynta wadooyinka loo sameeyey dhulka banaan ee ay la sugayeen mustaqbalka.
 
Dhinaca kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la bilaabo qorshi ay inta badan dadka danyarta ah ay diidanyihiin ah Town plan, kaas oo lagu baabiinayo sandaqadaha iyo dhismayaasha wadoonyinka galay oo intooda badan ay ganacsatada yaryar leeyihiin.
 
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood 
 

More News