4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Muqdisho

 

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa kulankooda maanta guda-gali doona Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Duulista Hawada ee Rayidka iyo Akhrinta 3aad ee Xisaab Xirka Sanadka 2017.

Waxaa jiray fariimo loo diray xildhibaannada oo loogu baaqay in ay soo xaadiraan kulanka maanta , iyadoona xildhibaanada lagu amray in aysan ka maqnaan Karin kulanka.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saaka Aad loo adkeeyay, iyadoo la dhigay Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xirey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]