Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda

 

Khamiis, November, 28, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

newsinsideIstaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso.

Shirka golaha guddoominayay Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa  sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la  dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee isgaarsiinta iyo  teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin  karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga  iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya  wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]