Raashin loo qeybiyay 300 Qoys oo kamid ah dadkii ay Saameysay Fatahaada Baladweyne



Khamiis, November, 28, 2019 (HOL)-Hayadda Hayat foundation oo Xarunteedu tahay Magaalada Dallas. Tx ee Dalka mareykanka ayaa gaarsiisay deeq raashin ah dadkii ay saameysay fatahaada wabiga shabelle ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

newsinsideDhinaca kale Jaaliyadda Reer Calgary ee Dalka Canada ayaa ka qeyb ka ahaa  dadka soo dhiibay kaalmadaan raashinka oo maanta lagaarsiyay dadkii ku barakacay Fatahaada Baladweyne.

Cabduqaadir Dhiiga oo loo so wakiishay gaarsiinta kaalmadan raashinka ah dadka reer Baladweyne oo ay fatahaada wabiga shabelle dhibaateeysay ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdan raashinka iyo dadka lagaarsiyay.

Qaar kamid ah dadka la gaarsiyay  kaalmada raashinka  ayaa ahaa  kuwii ugu liitay oo ay saameysay Fatahaada wabiga kaalmada shabelle ayaa siweyn uga mahad celiyay iyagoona  walaalahood Allah uga baryay in bedel ka kheyr badan uu siiyo.

Maxamed Cismaan Makaraan, Hiiraan Online