Wasiiro Arrimo Dibadeedka Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday

 

Khamiis, November, 28, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda  Federalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wada-hadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada Wasaaradood.

newsinsideLabada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]