Khamiis, November, 28, 2019 (HOL)-Ciidamo hubaysan oo katirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa weeraray maxkamad kutaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo halkaasi xoog ugala baxay labo nin oo ay maxkamadu xukuntay.
newsinsideLabadaan nin ee maxkamada lagala baxay, ayaa kamid ahaa rag dhawaan lagusoo qabtay Qamri badan oo ay magaalada soo galiyeen, Qamrigaas oo isla maanta lagu gubay magaalada Gaalkacyo.
Sarkaal ciidanka booliiska katirsan oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidamadii dowladda ee la rabay inay amniga sugayaan ay laftoodii ku kacayaan falal ceeb ku ah dowladnimada.
Sarkaalkaan wuxuu caddeeyay in ay dacwad ka dhan ah ciidamada falkaas ku kacay u gudbiyeen taliska guud ee ciidanka daraawiishta Puntland, iyagoo codsaday in tilaabo culus laga qaado.
Ugu dambayn, wuxuu tilmaamay in amni xumada ka jirta gobolka Mudug ay qeyb weyn ka leeyihiin ciidamo badan oo aan lagu sameynin dib u habayn islamarkaana aan cidna ka amar qaadan.
Hiiraan Online