ONLF oo beenisay warar lagu faafiyay warbaahinta Itoobiya


Khamiis, November, 28, 2019 (HOL)-ONLF ayaa beenisay war lagu daabacay jaraa'idka caanka ah ee Adisababa standard, ee kasoo baxa dalka Ethiopia.

newsinsideAdisababa standard ayaa qoray warbixin ku saabsan in Kenya ay martigelisay shir u dhexeeyay Jabhadda (OLNF) oo uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga, C / raxmaan Mahdi Madey, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Madoobe, arintaasoo walaac galisay Itoobiya.

Ururka ONLF oo qoraal kooban kusoo daabacday bartooda Twitterka, ayaa wrakaasi ku beenisay waxayna kula talisay Addis Standard in ay u hogaansaato sharuucda saxaafada isla markaana ay macluumaad ka hesho ilo lagu kalsoonaan karo halkii ay ka faafin lahayd wararka xanta ah.

ONLF waxay intaas ku dartay inay ka go’an tahay nabada & xasilloonida Geeska Afrika islamarkaana ay la shaqeyn doonto dhammaan daneeyayaasha si loo horumariyo xasilloonida.

Adisababa standard ayaa warixinteeda hore ku sheegtay in Saraakiisha jubbaland iyo kuwa ONLF ay beenindoonaan xogta ay qortay.

Hiiraan Online