Masuuliyiintii Xisbiga WADDANI ee la xidhay oo ka hadlay xadhigoodii

 

Khamiis, November 28, 2019 (HOL )– Xoghayahaguud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in sifadii loo xidhay khalad ahayd, waxaanay u mahadnaqeen shacabkii iyo dadkii qoraal iyo hadalba ku difaacay.

newsinside“Sagaal cisho ayaanu mandheera ku xidhnayn, waxaanse u sheegayna in xadhig iyo xabad midna ka baqayn oo halgankii sidii u sii wadi doonno”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga WADDANI Barkhad Batuun.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI khaddar Xuseen Cabdi ayaa ka sheekeeyey sidii loo xidhay iyo jeelka waxa uu ku soo arkay, waxaanay ganacsatadda ugu baaqay in dad badan oo lacag loo haysto ay ku jiraan oo aan awoodin inay lacagtaasi iska bixiyaan ee ay kurbada ka qaadaan oo ku sadaqaystaan dadka jeelasha ku jira,isla markaana ay booqdaan.

“ shacabka Somaliland, taaageerayaasha, Masuuliyiinta xisbiga oo dadaal badan u gallay waxa kale oo u mahadnaqaya ciidanka booliska oo si akhlaaq leh noola dhaqmay iyaga waanu u mahadnaqayna, ciidanka asluubta ee na hayey waanu mahadnaqayna, beesha caalamka oo arintan aad uga xumaaday oo ila soo xidhiidhaysay waan u mahadnaqayna, iyo ergooyinkii ka qaybgallay soo deyntayadda kuwii la qaabiley iyo kuwii aan la qaabilinba” ayuu yidhi khaddar Xuseen,

Waxa kale oo uu ka sheekeeyey wiil da’yar oo uu ku arkay jeelka, waxaanu yidhi “Waxaan jeelka kula sheekaystay wiil 17 jir ah, wuxuu igu yidhi 'fasalka 8-aad ayaan iskuulka kaga tagay' waxaan ku idhi maxaad iskuulka uga tagtay? Wuxuu yidhi ' Saddex aanu walaalo nahay oo iga weyn ayaa jaamacad dhammeeyay oo bilaa camal guriga la jooga markaa wax aan waxbarasho u sii wato ayaan garan waayay waxaanan galay Geerash oo dad waaweyn ayaan u gacan galay qof ayaanu nabar igaga dhacay sidaas ayaanan jeel ku soo galay. Runtii sheekadiisu waa ta haysata dhallinyaro badan oo Somaliland ah waana kuwaas kuwa ay tahay in madaxweynuhu rajo u abuuro oo ka warwaro laakiin, waa madaxweyne garnaqsanaya,"

Sidoo kale, waxa uu sheegay in beesha caalamku si adag uga hadleen dib u dhaca doorashooyinka, waxaanu xusay inay tahay markii ugu horeysya ee qaabkaasi uga hadleen.

Wax kale oo uu sheegay in la xidhay isagoo booqanaya Afhayeenka xisbiga Barkhad Batuun oo isna lagu daray iyadoo la sheegin sababta loo xidhayo, waxaanu arrintaasi ku eedeeyey taliyaha ciidanka Booliska taliye Dabagalle.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.