
Khamiis, November, 28, 2019 (HOL)-Qoraalka ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyey Hay’adaha kala duwan ee Dowladda in aysan qori karin Shaqaalaha ka yimaada wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwo aanan laheyn intaba.
newsinsideQoraalka ayaa lagu sheegay in lagu soo war-galin doono dhamaan hay'addaha kala duwan ee dowladda xilliga ay munaasibka noqoto, balse inta ka horeysa la joojiyay qorista shaqaale cusub.
Go’aankan ayaa imanaya xilli dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen miisaaniyadda sanadka 2020 oo gaareysa $459.5 Milyan.
Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka :-
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]