4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Dood lagaga hadlayey dastuurka Somaliland oo xalay lagu qabtay Hargeysa

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Dood lagu falanqaynayey dastuurka Somaliland ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay hogaamiyaha KHaatumo Cali Khaliif Galaydh, gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADANI Cabdiqaadir Jirde, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo marti sharaf kale.

Doodan waxa soo qaban qaabiyey Machadka daraasaadka siyaasadad iyo arrimaha bulshada ee loo hayaan HIPPSOR, waxaana lagaga doodayey in dastuurka dib loo furo iyo in kale.

Cali KHaliif Galaydh ayaa isagu ku dooday in dastuurka dib loo furo, isagoo ku sababeeyey inay SOmalialnd ku qurux badnaanayso, waxaanu yidhi “Dadka la leeyahay dastuurkay rabaan inay bedelaan horta waa Anagga, sababta u bedelayna maaha in sadbursiimo nala siiyo, maaha wixii horaa la duminayaa, cidda leh dastuurka lama furayo ma sumaddii geelooda ku taalla, dastuurka waxaanu u fureyna in la hagaajiyo oo uu noqdo dastuur jira oo nool oo woxooga sumcaddii Somaliland dibadda u martay ee ahaa waa dal dimuqraadi ah waa dal isku tashaday oo dhaqaale buuran lahayn waar hoy waa intaas oo looga sii dhowaada baanu is leenahay”

Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI Cabdiqadir Jirde ayaa sheegay in aan xisbiyada dhexdeeda ka jirin dimuqraadiyad, isla markaana xisbi waliba gudoomiyihiisa uu madaxa kaga taagan.

“maanta Cabdiraxmaan Cirro xisbiga sidan ka taa ma odhan karo, Faysal Cali Waraabana hadalkiisaba daa, sidaas darteed Xisbiga aan dhexdiisa dimuqraadiyadi ka jirin dawlad dimuqraadi ah ma dhisaayo”ayuu yidhi gudoomiye Jirde oo isna dhaliilay qaabka ay xisbiyadu u dhisan yihiin.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabbe ayaa sheegay in xildhibaanada xisbi ka soo baxay aanay sharciga meel kaga jirin inuu xisbi kale gallo, isla markaana waxa uu dhaliilay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo xisbigii UDUB ka soo baxay markii dambana ku biirays xisbiga WADDANI oo uu ku tilmaamay mar hadii uu xisbigiisa dhacay inuu ahaado xildhibaan madax banaan.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.