Faah faahin dheeraad ah qaraxyo lagu weeraray xarumo dowladdeed magaalada Muqdisho
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Qaraxyadan oo ahaa
kuwo is xigxigay ayaa kan hore waxaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Shaqadda
iyo arrimaha bulshadda dowladda Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow Isgoyska
Jubba ee Muqdisho.
Qaraxa labaad oo daqiiqado kaddib dhacay ayaa loo adeegsaday gaari ay ka
soo degeen rarag hubeysan oo gudaha u galay xarunta.
Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal culus ka wadda gudaha wasaaradda,
waxaana muuqata in qaar ka mid ah shaqaallaha wasaaradda oo laga soo badbaadinaayo
goobta, waxaana daaqadaha la saaray jaran jarooyin.
Waxaaa jira khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxyada,
walina waxaa shaqeynaya oo halkaa ka qaadaya dadka ay wax yeeladu soo gaartay
gaadiidka gurmadka degdega.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda xiligan mid sii xumanayaa waxaana
joogta uga dhaca qaraxyo farsamooyin kala duwan loo adeegsado, ilaa iyo haddana
majiro wax war ah oo ay laamaha nabad-galyada ka soo saareen arintan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]