4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2019
Dowladda Soomaaliya oo deg deg ugu yeertay safiirkii Geneva

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ugu yeertay inay dalka ku soo gasho,Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Warqad uu ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu amray Amb. Faadumo Insaaniya inay muddo aan toddobaad ka badneyn ku soo gasho xarunta wasaaradda ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Laguma caddeyn warqada sababta sida deg deg ah safiirka loogu yeeray, balse waxaa lala xiriiray aamuskii ay safiirka ka aamustay qaraarkii lagu cambaareeyay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Sidoo kala, lama ogga wasaaradda arrimaha dibadda inay la ogeyd go'aankii ay safiirka uga aamustay qaraarka,iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd shan dal oo qaraarka ka aamusay.

Hoos ka akhri warqadda;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]