3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Soomaali markii ugu horeysay Wasiir ku-xigeen ka noqday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Xamza Warfaa oo ah Nin dhalinyaro ah oo Soomaali ah ayaa markii ugu horeysay noqonaya Wasiir ku-xigeenka Shaqada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa sidoo kale Xamza Warfaa u magacaabay in uu noqdo madaxa kobcinta dhqaalaha , waxaana magacaabistiisan siweyn u soo dhaweeyay dadka laga tirade badan ee yahay iyo soogalootiga ku nool dalkaasi Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Mar uu warbaahinta la hadlay ayuu sheegay in ay farxad galin doonto tilaabaddan, islamarkaana uu waxbadan u qaban doono Bulshada degaanka.

Xamsa ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee la siiyo Abaal marinta sanadlaha ah oo ay bixiyaan Hay’adaha deeqaha bixiya ee gobalka Minnesota Sanadkii 2018-ka 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/23/2019 5:08 PM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland ayaa guullo ka sheegtay howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Bari gaar ahaanna deegaannada Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow.

3/23/2019 3:43 PM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

3/23/2019 3:10 PM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Dood lagu falanqaynayey dastuurka Somaliland ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay hogaamiyaha KHaatumo Cali Khaliif Galaydh, gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADANI Cabdiqaadir Jirde, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo marti sharaf kale.

3/23/2019 11:40 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Shir ay isugu yimaadeen laamaha amniga ee degaanada bariga Itoobiya ayaa maanta waxaa uu ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan ee magaalada Jigjiga

3/23/2019 11:37 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Bangiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa lacag gaadhaysa 35.6 milyan oo birr ugu deeqay barakacayaasha degaanka Soomaalida, lacagtan ayaa kamid ahayd 100 milyan oo bangigu ugu deeqay guud ahaan degaamada dalka Itoobiya.

3/23/2019 10:25 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

3/23/2019 9:18 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey dadkii maanta ku dhintay Qaraxyadii Ururka Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho.

3/23/2019 7:24 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa maanta ku geeriyooday weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaarradda,

3/23/2019 6:44 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ugu yeertay inay dalka ku soo gasho,Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

3/23/2019 6:26 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Saddex nin oo dhallinyaro ah ayaa loo xiray kufsi lagula kacay gabar 12 jir ah, degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

3/23/2019 5:33 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Qaraxyadan oo ahaa kuwo is xigxigay ayaa kan hore waxaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda dowladda Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow Isgoyska Jubba ee Muqdisho.

3/23/2019 4:56 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)-Warar dheeraad iyo faah faahinno ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo goor dhw k dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dabley hubeysan ay weerareen wasaarradda Shaqada xukuumadda Soomaaliya oo ku taala Isgoyska Jubba.

3/23/2019 1:53 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii bishan ayay ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa dhinaca Amniyaatka Al-shabaab, waxuuna u qaabilsanaa dilalka qorsheysan,waa sida ay sheegtay dowladda.

3/23/2019 12:56 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadan ayaa Jimcihii shalay fadhi uu ku yeeshay xarunta Geneva ee dalka Switzerland waxaa ugu dooday islamarkaana uu cod u qaaday go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Buuraha Golan Heights ugu aqoosaday dhul ay Israa’iil leedahay.

3/23/2019 12:38 AM EST
Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Mevlut Cavusoglu.