4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2019
Gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday degmada Burtinle

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Saddex nin oo dhallinyaro ah ayaa loo xiray kufsi lagula kacay gabar 12 jir ah, degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Gabadha yar oo agoon ah ayaa hadda lagu dabiibaya isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso, iyadoo xilliga kufsiga uu dhacay laga joogo muddo toddobaad ah.

"Gabadha waxay ku dhaheen saddexda nin ee kufsaday oo darisna la ahaa waan ku jarjareyna haddii aad magacyadeenna dadka u sheegtid, sidii kufsigii Gaalkacyo ka dhacay ee lagu dilay gabadhii loo geystay". ayuu yiri qof ka mdi ah ehelka gabadha 12 jirka ah ee lagu kufsaday Burtinle.

Odayaasha dhaqanka, culimada iyo qaybaha bulshada oo Jimcihii kulan ka yeeshay dhacdadaan ayaa ku baaqay si dhaqso ah in sharciga islaamka waxa uu ka qabo lagu mariyo raggii ka dambeeyay kufsiga oo ku xiran saldhigga dhexe ee degmada Burtinle.

Falalka kufsiga ah ayaa kordhay gudaha Puntland,iyadoo muddo toddobaadyo ah ay socdaan baaritaan la xiriira gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday magaalada Gaalkacyo kaddibna la dilay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]