4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii bishan ayay ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa dhinaca Amniyaatka Al-shabaab, waxuuna u qaabilsanaa dilalka qorsheysan,waa sida ay sheegtay dowladda.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda  ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkaalkan uu ahaa kiin ugu dambeeyay ee abaabulka iyo hugaaminta dilalka loo gaystay dadka shacabka ah.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan uu ahaa midkii sadexaad ee todobaadkii la soo dhaafay ciidamada amniga ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]