4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Shir qiimayn dhanka Nabadgalyada ah ayaa ka furmay saaka magaalada Jigjiga

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Shir ay isugu yimaadeen laamaha amniga ee degaanada bariga Itoobiya ayaa maanta waxaa uu ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan ee magaalada Jigjiga

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda laamaha amniga ee degaanada Soomaalida, Canfarta, Oromada iyo Hararida, waxaana shir guddoominayay saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka iyo sidoo kale Hogaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida Cab caadil.

Haddaba shirkan ayaa waxyaabihii lagaga hadlay waxaa kamid ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga xuduudaha degaanadaas, arrimaha kootarbaanka, iyo sidoo kale sidii la isugu celin lahaa wax yaabihii ay kala qaateen ree miyiga dega xuduudaha degaanadaas.

Degaamadan maanta uu shirku uga furmay magaalada Jigjiga ayaa waxaa dhexdooda jiray colaad inta badan ka dhex dhacda goobaha xuduudaha degaanada, waxaana la filayaa in qodobo muhiim ah oo amniga wax lagaga qabanayo uu kasoo baxo shirkan maanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]