4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Kheyre : Maxey ciidamadu u kala tagi waayeen hadda ka hor oo aysan muddo sanad ah wax mushaar ah la siin

 

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo mar kale oo hadal qaaday arinta ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay ayaa sheegtay in ay soo martay ciidamada muddo sanad soo wax mushaar ah aan la siin.

Ra’iisal wasaaraha ayaa isaga oo ka hadlayay Salaadii Jimcaha ee maanta ayaa sheegay in askariga looga baahan yahay in aan loo dhaxeyn isaga iyo dowladda oo si toos ah ay lacagtiisa u soo gaarto.

Kheyre ayaa sheegay in sababta ay gadoodsan yihiin ciidamadu tahay in cid kale lacagta loogu soo dhiibo oo aysan iyagu soo toos ah u qaadan.

Khudbadiisa ayuu ku yiri’’ ciidamada hadda gadoodsan maxey u kala tagi waayeen ku dhawaad muddo sanad ah oo aysan wax mishaar ah qaadan, marka ay kala tagayaan muddo muddo labo bilood ah oo wax la saxayo

“Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin, anaa runta idiin sheegaa, ciidanka in la saxo qasab waaye, culumaday qasab ku tahay,siyaasiyintay qasab ku tahay.”ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaare Kheyre hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya go’aan adag qaadatay, isaga oo aan si toos ah carabka ugu dhufan nooca go’aanka ay qaadatay dowladda.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili gadoodkii ugu darnaa ay sameeyeen ciidamada oo inta badan isaga soo baxay farumihii dagaalka iyo deegaanno ay uga sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]