4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Galmudug oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda federaalka

 

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Waxaa muuqanaya khilaaf mar kale soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedka Galmudug, kaddib war ay dhawaan soo saartay wasaarrada arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug la qabanayo bisha July ee sanadkan.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Maxamed ayaa sheegay in Galmudug aysan u baah-neyn fara-gelin, islamarkaana Dastuurkeeda ay u madax banaan tahay iyo xilliga ay dhaceysa doorashada Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka isaga oo ka jawaabayay hadalkii wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya in deegaanada Galmudug aysan ka dhaceyn wax doorasho ah,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu xilka haayo halsano kaliya,islamarkaana waqti xileedkiisa uu ku egyahay sabadka 2021 oo ay doorashada dhaceyso.

Waxaa uu madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey in ay doonayaan in ay burburiyaan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah,isla mrakaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]