3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Wasaaradda haweenka Puntland oo Gaalkacyo ku qabatay kulan lagu taageerray haweenka u sharraxan gollaha deegaanka

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa dardar galisay u qareemidda haweenka doonaya inay ka mid noqdaan golayaasha deegaanka ee Puntland.

Kulankii ugu horreyay oo lagu taageerrayo haweenka ka mid noqonaya golaha deegaanka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,iyadoo kulanka ay soo qaban qaabiysay Wasaaradda Haweenka Puntland oo kaashanaysa hay'adda USAID.

"Gabdhuhu waa laf dhabarkii bulshada inay dadku soo doortaan dumarka shacabkay dantu ugu jirtaa... gabdhaha haloo nuglaado oo halagarab istaago hana lala shaqeeyo". Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Sahro Cabdi Xirsi ayaa ka sheegtay kulanka.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Haweenka Puntland ahna guddoomiyaha hay'adda TAG Foundation,Marwo Caasho Geelle ayaa kulanka ka sheegtay golaha deegaanka ee loo dhisayo degmada Gaalkacyo in lagu soo daro ugu yaraan lix haween ah,iyadoo inta ku dartay "Inta badan raggu waa ku dhibtoodaan duqa degmada marka loo dhiibo, marka haddii aad xammili weydeen waxa aan idinka codsan lahayn in aad iska soo wareejisaan".

Nabadoon Gaani Xuseen Siciid oo ku hadlay afka odayaasha dhaqanka ee degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in reer Muduga ay markhaati ka yihiin howl karnimadda gabdhaha,isagoo ku baaqay in la soo xulo haween ka mid noqda golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Punland Yusuf Maxamed Ismaaciil ayaa isna kulanka ka sheegay "Dumarka cidna kamaarmi mayso inagayna sharaf inootahay in qoondo fiican laga siiyo golaha deegaanka".

"Gabdhuhu waa muhiim waana inay ka dhex muuqdaan meelaha lagu gaarayo go'aamada masiiriga ah. Aniga wasiir ahaan waxaa ii qorshaysan in aan taageerada ugu badan aan dumarka siiyo weliba 70% in badan".ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda ee kulanka ka qaybgalay.

Gabagabada, kulanka waxaa soo xiray Wasiirka Arimaha Gudaha, Fedraalka iyo dimuqraadiyadda  Maxamed Cabdiraxman Dhabancad , wuxuu sheegay inuu rajo wanagsan ka qabo ugu yaraan afar xubnood inay haweenku ku yeeshan golaha deegaanka ee Gaalkacyo,isagoo inta ku daray "Dadaal mayara oo waan ognahay dhibka haysta gabdhaha anaguna doorkeena ayaan qaadanaynaa. Waxaa inoo ballan ah gabdhaha oo saxiixa raadsada odayaasha oo usoo saxiixa iyo anagoo meel marinna."

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
3/22/2019 2:28 PM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo mar kale soo hadal qaaday arinta ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay ayaa sheegtay in ay soo martay ciidamada muddo sanad oo wax mushaar ah aan la siin.

3/22/2019 10:57 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga ayaa Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ugu baaqday kulan deg-deg ah oo ka dhici doona Maanta Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga, sida ay qortay Jariiradda Daily Sabah.

3/22/2019 10:34 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa xiray ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada, sida uu Twitterka ku soo qoray agaasimahiisa.

3/22/2019 8:05 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Afar arday ayaa ku geeryooday 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

3/22/2019 6:30 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed oo markii ugu horeysay ka hadlay gadoodka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee mishaar la’aanta ka cabanaya ayaa sheegay in marnaba Wasiirradu raali ka noqon doonin la dulmiyo ciidamada.

3/22/2019 4:45 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Waxaa muuqanaya khilaaf mar kale soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedka Galmudug, kaddib war ay dhawaan soo saartay wasaarrada arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug la qabanayo sanadkan.

3/22/2019 1:07 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)-Munaasabad iskugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey afaafka hore ee masaajidkii lagu laayey dad Musliim ah magaalda Christchurch ee dalka New Zealand.

3/22/2019 12:26 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu soo qabqabtay dad la tuhusan yahay.

3/22/2019 12:15 AM EST
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa siyaasaddi Mareykanka uu aaminsanaa xagga kale u rogay kaddib marki uu sheegay in la joogo xilligi buuraha silsiladda ee Golan oo ay Israa'iil qabsatay 1967-kii loo aqoonsan lahaa iney ka mid yihiin dhulka Israa'iil.