4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Madaxweynaha Kenya oo xiray ciwaannadiisii baraha bulshada

 

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa xiray ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada, sida uu Twitterka ku soo qoray agaasimahiisa.

Nzioka Waita ayaan wax faahfaahin ah ka bixin waxa dhacay, balse wuxuu sheegay in ay khadka ku soo noqon doonaan “ka dib marka la saxo waxa khaldan”.

Ciwaannada Kenyatta uu ku leeyahay Twitterka iyo Facebook waxaa ku taxan malaayiin dad ah.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Star ayaa ku warrantay in Twitterka madaxweynaha saaka la soo dhigay qoraal xasaasi ah oo siyaasadeed, ayna arrintaasi ugu wacan tahay xiridda ciwaannada madaxweynaha.

Wargeyska Star ayaa soo dhigay sawir uu ka qaaday qoraalkii uu madaxweynuhu soo dhigay Twitterka.

Twitterkaas waxaa ku qoran “haddii aad musuqmaasuq ku jirto waan kula dagaalamaynaa,xataa haddaad tahay walaalkay, walaashay ama siyaasiga iigu dhaw oo musuqmaasuq ku jira waan kula dagaalamaynaa”.

Wargayska oo sii daba socda erayga ah siyaasiga iigu dhaw ayaa sheegay in laga yaabo in uu ka wado madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto.

Taageerayaasha Ruto ayaa Kenyatta ku dhaliilay dagaalka u dambeeyay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa, kaas oo horseeday in la xirxiro oo su’aalo la waydiiyo masuuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan, waxayna sheegeen in ay tahay arrin aan waxba ka jirin oo uu ugu marmarsoonayo ku xigeenkiisa.

Dadkaas ayaa sheegay in la bartilmaameedsanayo dadka loo arko in ay u dhadhaw yihiin Ruto.

Xigasho BBC