4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Arday ku geeryootay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso


Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Afar arday ayaa ku geeryooday 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Ardaydan ayaa kusii jeeday deegaanka Laag 00 30km ujirta Boosaaso, kaddib markii gaarigii ay wateen uu waddada ka baxay.Wararka ayaa sheegaya ardayda inay dhiganayeen fasalka afaraad ee dugsiga sare , ayna ku guda jireen maalmo farxadeed oo ay doonayeen inay ku qaataan deegaanka Laag, kahor munaasabadoodii qalin jebinta.

Saraakiishu ma faahfaahin shilkan,balse saraakiil caafimaad oo HOL la hadlay ayaa sheegay in hadda lala tacaalayo xaaladda caafimaad ee ardayda ku dhaawacmay shilka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]