4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Baydhabo

 

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu soo qabqabtay dad la tuhusan yahay.

Saraakiisha ciidamda ayaa howlgalkan ku sheegay mid amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana inta badan laga sameeyey xaafadaha maagalada Baydhabo,waxaana holwgalka lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa dadka ay soo qabteen,waxaa ay ku sameeyeen baaritaano,waxaana qaarkood la geeyey Saldhiga weyn ee maagalada Baydhabo halka dadka qaarkood ay Ciidamada howlgalka sameeyey ay siidaayeen.

Wali ma jiro wax faah faahin ah mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay ka bixiyeen howlgalkan iyo haddii ay jiraan xubno ka tirsan ururka Al-shabaaab oo lagu qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]