4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2019
Trump: Waxaa la joogaa xilligi buuraha Golan loo aqoonsan lahaa dhul ay Israa'iil leedahay

 

Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa siyaasaddi Mareykanka uu aaminsanaa xagga kale u rogay kaddib marki uu sheegay in la joogo xilligi buuraha silsiladda ee Golan oo ay Israa'iil qabsatay 1967-kii loo aqoonsan lahaa iney ka mid yihiin dhulka Israa'iil.

Madaxweyne Trump wuxuu boggiisa Tweetarka uu ku qoray iney buurahaasi ay istiraajiyad muhiim oo dhinac amniga aiyo ciidanka ay u leeyihiin Israa'iil iyo xasiloonida gobolkaba.

Israa'iil ayaa 1981-kii dhulka ay maamusho ku darsatay buuraha Golan iyada oo ay jirin aqoonsi caalami ah oo ay heshay.

Dalka Suuriya, oo buurahaasi laga haysto ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeeray madaxweyne trump.

Ra'isal wasaaraha Israa'iil Benjaamiin Netanyahu ayaa ka digay "Dhaqdhaqaaqyada ciidan" oo ay wadaan waddamada ay Israa'iil ku sheegtay iney cadowtinimo taariikhi ah ay ka dhaxeeyaan ee "Iiraan iyo Suuriya" isaga oo amar ku bixiyey in dhaqdhaqaqyadaasi militari weerar dhinaca cirka ah looga hortago.

Trump wuxuu si aan gabbasha lahayn uu boggiisa Tweetarka ku qoray "Iney Buuraha Golan ay kamid yihiin dhulka ay leedahay Israa'iil, xilli ay Iiraan dooneyso iney burburinta Israa'iil ay u adeegsato Suuriya.

Sanadki 2017-kii Madaxweyne Trump wuxuu magaalada Quddus uu u aqoonsaday iney tahay caasimadda rasmiga ee Israa'iil isaga oo amar ku bixiyey iney safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo soo wareejiyo Quddus.

Go'aanka madaweyne Trump waxaa si weyn uga horyimid Falastiiniyiinta iyaga sheegay Bariga magaalada Quddus iney tahay caasimadda dowladda Falastiin ee mustaqbalka, waxaana sida oo kale go'aankaasi cambaareeyey golaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuuna dalbaday in go'aankaasi laga noqdo.

Xigasho BBC