4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2019
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool oo xilkii la wareegey iyo gudoomiyihii hore oo dhaleecayn ku sagootiyey

 

Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL) - Boqolaal ka tirsan bulshada gobolka Sool qaybaheeda kala duwan ayaa kaga hortegey Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool oo maanta soo gaadhey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Gudoomiyaha Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa aad uga mahad celiyey dadkii soo dhiweeyey, waxaanu kula hadlay ka sokow soo dhoweyntiisa Hotel Safaari, isagoo u balan qaaday in uu inta iyaalkiisa horumarka gobolka ka shaqayn doono, in gacan la siiyana waa uu ka codsaday.

"Anigu waxaan ahay nin aanay dadku u kala soocnayn, oo aanay u kala sokayn ee ay u siman yihiin, qofowna haygu soo hagaagin qabyaalad iyo waxkale toona" ayuu yidhi Jiidhe isagoo intaas ku daray in talada waxgaradka gobolka ay noqon doonto yoolka uu ka duulayo.

Gudoomiyihii hore ee gobolka oo halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday dhaleecayn uu u soo jeediyey Gudoomiyaha degmada, golaha Degaanka, Saxaafada, Wasiirka Hawlaha Guud iyo xubno kale, taas oo maqaarka ka feydey khilaafka sababay in uu xilka uu musada kooban hayey ku waayo.

Gudoomiyaha cusub ayaa safka hore kaga jira dhalinyarada ugu caansan gobolka, isagoo mudo dheer ku soo qaatay hawlaha samafalka xiliyadii adkaa, waxaanu markasta ka muuaan jirey goobaha talooyinka horumarinta, waana ta sababtay in Guud ahaan bulshada Laascaanood hadal hayaan, saadaala ay uga dhigaan in uu waxweyn soo kordhin doono.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool