Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala bar in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaareen xarunta.
Kaniisadda Kaatoligga, oo kumanaan goob joogayaal ah u dirtay goobaha codbixinta, ayaa Khamiistii sheegtay in cidda guulaystay ay iska caddahay, waxaa ay ku baaqday in natiijada la shaaciyo si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed.
Kaniisaddu waxay mucaarad cod dheer ku ahayd mudo kordhinta xukunka Madaxweyne Joseph Kabila.
Waxa uu haatan xilka ka degayaa 17 sannadood oo uu xilka hayey ka dib waxaanu ballan qaaday inuu suurto galin doono nin markii ugu horraysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo xilka hab sharciga waafaqsan loola kala wareegi doono tan iyo markii ay gobanimada ka qaadatay Belgium 19960-kii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]